Waxa guul weyn oo Qarankani gaadhay ah in Xubno ka Tirsan Congress-ka Maraykanka ay horkeeneen Congress Mooshin abuuraya xidhiidhka iyo iskaashiga Maraykanka iyo Somaliland ay u direen Dawladda Maraykanka, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibeda ee Maraykanka. Maanta oo ay bishu tahay 17 March 2022, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaniyaa ee Booqashada rasmiga ah ku joogay dalka Maraykanka, kulamo muhiima la yeeshay Mudaneyaasha ayaa isla markii madaxweynuhu ka soo baxay waxa ay soo saareen Mooshinkan.
Mooshinkaa oo lagu yidhi waa in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka Maraykanku warbixin sannad leh ah Congress-ka Maraykanka uga keento deeqaha Maraykanku siiyo Somaliland, isla markaana ay sameeyaan daraasad lagu sharaxayo sida Maraykanka iyo Somaliland isaga kaashan karaan arrimaha amniga.