Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna Gudoomiyaha xisbi xaakimka KULMIYE ayaa maanta oo Axad ah, taariikhduna tahay 11-12-2022 waxa uu shir gudoomiyey Shirkii Billaha ahaa Ee Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE.
Waxaana shirkaa lagu lafo-guray arrimaha Wacyi-gelinta Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha iyo U-diyaargarawga Doorashooyinka.