Hargeysa-13-02-2023-()-Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb-galay heshiiska dhamaystirka mashruuca maamul daadejinta Wax-barashada Aas-aasiga ah ee Dawladaha Hoose oo maanta lagu qabtay Machadka Dawladaha hoose ee Hargeysa.