Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira Sodaalkii uu ku marayey qaar kamida Gobolada Bariga Somaliland ayaa gaadhay Magaalada Oodweyne ee Xarunta Gobolka Daadmadheedh halkaasi oo Madaxweyne ku-xigeenka iyo Waftigiisaba si ballaadhan loogu soo dhaweeyey.
 
Waftigan uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenku ayaa kormeeray mashaariicda horumarinta iyo maamul daa-dejinta ee JPLG , waxaana uu kulamo xogg-waraysi ah la yeeshay maamulka Degmada Oodweyne hannaanka ay u maamuleen mashaariicdaasi. 
 
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xadhiga ka jaray Waddooyin cusub oo laga hirgeliyey gudaha Magaalada islamarkaana dhagax dhigay Dhisme Dabaq ah oo ay leedahay Dawlada hoose ee Degmada Oodweyne, waxaana uu kormeermay Dugsiyo waxbarasho iyo Xarumaha caafimaadka ee Hooyada iyo dhallaanka. 
 
Wa-Billaahi Tawfiiq.