Burco:17/09/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc ballaadhan oo dib loogu dhisayo waddada isku xidha Burco iyo Berbera, kaas oo laga maalgelinayo sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.
Munaasibaddan oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka Togdheer iyo kuwa degmada Burco, waxgarad, siyaasiyiin iyo madaxda Sanduuq Horumarinta Somaliland iyo marti-sharaf kale, ayaa lagaga hadlay muhiimadda mashruucan iyo sida uu dib u dhiska waddadaasi u fududayn doono isu socodka bulshada reer Somaliland.
Wasiirrada wasaaradaha Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay sida loogu baahan yahay in qaranku isu kaashado in kaabayaasha dhaqaalaha laga shaqeeyo si horumar loo gaadho.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa wasaaradaha iyo hay’adaha arrintan ku shaqada leh uga mahadnaqay in mashruucan la dhagax dhigo, waxana uu ku baaqay in hirgelintiisa la dedejiyo, maaddaama oo ay waddadani hal bawle u tahay isu socodka bulshada iyo gaadiidka kala duwan.
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruucan ballaadhan ee dib loogu dhisayo jidka isku xidhaya magaalooyinka Burco iyo Berbera oo in badan shaqaynayey.

Wa-Bilaahi Tawfiiq