Washington-D.C-19-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi iyo weftigii ballaadhnaa ee ku wehelinaayey safarka Maraykanka ay ku joogaan ayaa caawa kulan Casho Sharaf ah la yeeshay jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Maraykanka.
Munaasibadan oo ahayd tii labaad ee ay jaaliyadda Reer Somaliland maanta la yeeshaan weftiga madaxweynaha Somaliland, markii kulankaa laga soo baxayna waxa la gudo galay kulan madaxweynuhu ku qaabiley jaaliyadda, waxaana halkaa ka hadlay masiuliyiin kala duwan oo uu ugu horeeyey safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka, Amb. Bashiir Sheekh Cumar Good, wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), Ganacsiga iyo Dalxiisa, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandarre iyo Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Keyd Maxamuud oo dhammaantood warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee dalka iyo muhiimada uu lahaa safarka maraykanka ay ku joogaan uga warbixiyey jaaliyadii ku sugnayd goobtaasi iyo bulshada reer Somaliland eek u kala dhaqan daafaha caalamka.
Ugu danbayntiina Madaxweyaha Qaranka Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa la wadaagay jaaliyadda reer Somaliland iyo shacbi weynaha reer Somaliland, waxaanu madaxweynuhu ku dheeraaday ujeedka safarka maraykanka iyo guulihii laga gaadhay oo salka ku haya sidii labada Dal ee Somaliland iyo Maraykanku ay wax u wada qabsan lahaayeen iyagoo is garabsanaya.
Wa-bilaahi tawfiiq