Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhismaha Cusub ee Mac’hadka Dawladaha Hoose Ee Dalka (LGI).
 
Hargeysa-04-02-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa xadhiga ka jaray Dhismaha cusub ee Mac’hadka Dawladaha hoose (LGI) kaasi laga hirgeliyey Caasimadda Somaliland ee Hargeisa, laguna tababari doono shaqaalaha dawladaha hoose ee dalka. 
 
Munaasibadan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda kala qeybgalay, Maayarada Dalka, wasiiro, gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, taliyeyaasha Ciidamada, Gudoomiyeyaal iyo Agaasimeyaal guud, qaar ka mida Qaybeheeda kala duwan ee mudanta Bulshada. Waxaana halkaasi ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo dhammaantood iska dabamaray muhiimada dhismahan cusubi u leeyahay Dawladdaha hoose iyo guud ahaan Qaranka Somailand oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cabdilaahi Xuseen Maxamed, Wasiir ku-xigeenka, Maayirka Caasimada Hargeisa, Cabdikariim Axmed Mooge, Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax, Maayirka Magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin) Agaasimaha fulinta Machadka Dawladaha Hoose Iid Muuse Muxumed iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibada furitaanka dhismaha mac’hadka ayaa boggaadiyey cidkasta oo ka qeyb qaadatay hirgelinta dhismahaasi, waxaana uu xusay in mahadkan laga filaayo inuu noqdo mid lagu kobciyo aqoonta shaqaalaha dawladaha hoose.
 
Ugu horaynta madaxweynaha ayaa tilmaamay in mac’hadkani tusaale u tahay talaabooyinka loo qaaday dhanka horumarka dawladnimada wuxuuna yidhi “Wuxuu inoo tilmaamayaa Mac’hadkani dhawr qodob, wuxuu inoo tilmaamayaa haddii aynu ku dhaqano qaabka dawladnimada ee marka hore in la fikiro in laga doodo, in lasoo heshiiyo shuruuc lasoo saaro ka bacdina shuruucdaa lagu heshiiyey la raaco, mashaariicda tusaalaga wanaagsan ka ah inaan wax hirgelin karayno oo aynu wax dhisan karayno waxaa kamida machadkan, waxaa kamida dhismayaal badan oo kale oo markaynu dhisnay dad badani u qabeen inaynaan dhisan karayn iyo hawlo ka culus oo aynu qabsanay”.
 
Ugu danbayntiina Madaxweynaha ayaa dardaaran u diray dhalinyarada Jamhuuriyadda Somaliland ee waxbaratay inay u halgamaan dhanka dawladnimada bulshadana ku qanciyaan qarannimada “Waxaan u dardaarmayaa da’ayarta, dhalinyarada wax baratay ee jaamacadaha ku jira rag iyo dumar leh waxaa laga rabaa inay u halgamaan dhanka dawladnimada iyo horumarka oo dadka hala baro in qaranimada uun wax lagu qabsan karo, markaynu isu tagno cadowgeena waan jabinaynaa waa ka adkaanaynaa, faqriga waa la dagaalami karaynaa, maanta inta dhaam la qodaayo mid keliya ayey inaga caawiyeen hay’addaha caalamku markii ay arkeen inaynu dhaamam dhisayno ay yidhaahdeen kaasaanu tijaabinaynaa sideeda dhaam ee waa weyn ee laga dhisaayo gobolada dalka dhammaan cashuurtii aad bixiseen baa laga dhisay” 
 
Wa-bilaahi Tawfiiq