
Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn soo dhaweyn maamuuskeedu sarreeyo kala kulmay Ra’isal wasaaraha, kaas oo ku qaabilay Madaarka Diyaaradaha, waxaana loo gelbiyey qolka madaxda ee (VIP)da oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen.
Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi, gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid oo isagu ku sii sugnaa dalkaasi, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, Amb Cabdifataax Siciid Axmed.