Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aaska Marxuum Muxumed Aw Axmed.
Hargeysa-10-10-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa loogu sameeyey marxuum Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan oo hore uga mid ahaa golaha guurtida, kaas oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Muxumed Aw Axmed oo kamid ahaa odayaashii dhidibbada u taagay nabadda iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen shirguddoonka golaha guurtida, wefti ballaadhan oo ka socday dawladda Jabbuuti, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo bulshada kamid, ayaa lagu soo bandhigay wanaaggii iyo dadnimadii marxuumka, waxana Eebbe looga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo.
Ugu horrayn guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhda marxuumka, waxana uu ku tilmaamay halyey dadkiisa iyo dalkiisaba u hagar baxay, wax wanaagsanna soo qabtay.
Xubno kamid ah weftiga wasiirrada iyo haldoorka kale isugu jira ee ka socda dalka Jabbuuti oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda marxuumka ku tilmaamay oday nabadeed soo shaqeeyey iyo wada-jirka ummadda waqti badan soo geliyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxana uu ku dheeraaday kaalintii xilkasnimada lahayd ee uu ku lahaa dibudhiska qaranka, nabadaynta iyo horumarinta dalkiisa, isaga oo ku sifeeyey haldoor aan taariikhdiisa la ilaawi doonin.
Wa-bilaahi Tawfiiq