Hargeysa-12-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa galabta safar shaqo ugu ambo baxay waddanka Maraykanka.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno wasiirro ah oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka Mudane, Saleebaan Yuusuf Cali-koore, Ganacsiga iyo Wershadaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Mudane Jaamac Muusse Jaamac iyo Xubno ka mida Ganacsatada Dalka ayaa galabta ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Cigaal International Airport, iyaga oo ku wajahan carriga Maraykanka, waxana Maraykanka gudihiisa kaga biiri doona wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa qaadan doona muddo maalmo ah, waxana uu halkaas ku yeelan doonaan kulamo kala duwan oo u qorshaysan.

Wa-bilaahi tawfiiq