Hargeysa-05-03-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay munaasibad ballaadhan oo ay soo agaasintay Dallada Nagaad Network, taasi oo xadhig lagaga jaray dhismaha Xafiiska la socodka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay dadkii kasoo qeyb-galay madasha ayaa yidhi “Dhammaan marti sharafta kasoo qeybgashay Xafladan maanta lagu daah-furaayey Xafiiska la socodka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka gaadho aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa aadna waan ugu faraxsanahay inaan goob-joog ka noqdo furitaanka Xafiiska oo aan maanta joogo”.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Tacadiga dumarka oo muddo soo socday waxaana uu yidhi “Arrintan aynu maanta u joogno ee Tacadiga Dumarku muddo imika Soddon -sannadood ah oo ay Somaliland jirtay way soo taagnayd kolba heer ay soo martaba, layskuma diidana, wali meel laysugu yimi oo shir lagu qabtay oo aan la odhan arrintaa wax halaga qabto maan arag, cidda shir gacan ka taagtay oo tidhi arrintaa xagee loo waddaana maan arag haddii laga maarmi waayo beri baan annigu ka dooday, shir baa lagu qabtay Wasaaradda Warfaafinta hoolkeeda berigaa Waran Cadde ayaa ka wasiir ahaa, hablo badan oo imika qaar halkan joogaan iyo qaar maqanba ayaa kor u qaaday Dumarka waa laga gar daran yahay, waxaan ku idhi waayahaye horta Tacadiga iyo Dumarka xorriyadooda hala siiyo maysla afgaranaa ileen haddii aan Kelmadii laysla af-garanayn muran uun baa taagnaanaya, Tacadiga Dumarka ee dhibaatooyinka leh ee Caafimaadka khuseeya ee Maskaxiyan mooralka khuseeya ee aynaan hore u aqoon Soddonkan sanno ee u danbeeyey mooyee waynu ka midaysanahay inaynu ka dagaalano, waayo qofna waxaa dhacaya ee ku dhacaya qofka Islaamka ah ee muwaadinka ah ee Caarka ah malaa waa laynagu roggi, waxan abaaruhu inoogu badan yihiin bay ka mid tahay”.

Waxa uu Sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland in Xukuumadda uu hoggaamiyaa ay wadayso dadkana la wacyi-gelin doono “Xukuumad ahaan hawsha waan waddaynaa annagu dadkana waa la wacyi gelinayaa labada gole sharciga yaalla iyo Culimada kasoo horjeeda qeyb baa aad ugu dhegan, qeybina meel dhaxay waddaa, waxaynu u baahanay in su’aashaa laysla meel dhigo, waynu isla ogolnahay diintuna waa diidan tahay side baynu qofkan u ciqaabnaa?.

Mar kale Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay Abaarta kulul ee waddanak ka jirta taasi oo loo baahan yahay in dadka iyo duunyada gurmad la gaadhsiiyo “Dalka abaar kulul baa ka jirta Roob kina sida looga bartay bisha April ayaa la filaa hadduu March da’ao candho qoys baa la yidhaahdaa oo waa sannad wanaagsan hadday kaliishu dheeratana waa April, April-na maanta waxaa inooga hadhay wax badan, Ilaahay waxaan ka rajaynaynaa inuu roobka inoo soo dedejiyo, Maanta Soomalidii Xoolaha dhaqan jirtay xoogeedii wuxuu joogaa inta u dhaxaysa Boorama , Ceerigaabo iyo Laascaanood culays badan baa jira, marti badan baa inoo timi dad badan baa inagu soo qaxay”.

Bulshada Somaliland ayuu Madaxweynuhu faray in lasoo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed abaartu keentay Somaliland islamarkaan aan laga ceshan biyo baad midna “Guud ahaan Somaliland waxaan farayaa in dadkaa xoolaha wata ee Abaartu waddo inaynu Naf iyo Xoolo la qeybsano oo ay noqdaan marti aynu soo dhaweyno in loo adkaysto oo aan waxba laga ceshan, inteena magaalooyinka joogtaa waa inuu u gargaaraa wixii uu haysto qoladaa abaartu hayso”.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay inaan Hay’addaha Caalamiga ah kasoo jawaabin baaqii qeylo dhaanta Abaarta “Waxaan idiin sheegayaa Soddon sannadood waxaynu baranay hay’addahow nasoo gaadha oo wax na siiya horta waa masiibo layna baray dawarsigaa maynaan aqoone inaynu diidno ayey hore u ahayd oo waan tabcan lahayn, maanta waxaan idiin sheegayaa oo aan ummadda Somaliland u sheegayaa iyo dawladdo badan oo soo koraya kuwii aan odhan jirnay wax nasiiya ee tuulooyinka inoogu iman jiray, January horaanteedii ayaanu qeylo dhaanta u dirnay qolooyinkaa odhan jiray deeq bixiyayaal baanu nahay laba saddex hay’adood oo keenay waxaan $300.000 saddex boqol oo kun oo dollar gaadhin ayaa naga soo gaadhay, illaa maanta gurmad qoladaa naga soo gaadhay ma jiro, had iyo jeerna waa caado ay leeyihiin abaartaa loo qeyliyaa marka ay abaartu jabto ayey qamadiga keenaan oo hadhuudhkii jebiyaan”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabaya hadalo ka soo yeedhay maamulka Xamar ayaa yidhi “Waad la socotaan qoladaa markii hore aynu isku dawladda ahayn imikana isku magaca dhawnahay ee Xamar ka talisa dagaalada ay ku jiraan waxaad kala socotaan Media, Somaliland maalinta wax yar oo horumar gaadhaanba dagaalka u badan bay qaadaan, waxaan doonayaa inaan u sheego qolada Xamar, Chinuhu iyagoo wasiir ku xigeenkoodu socdo oo noo yimi baanu ku nidhi, oo haddana ku leenahay ciddina luqunta na qaban mayso oo waxa aanan doonayn noo tilmaami mayso, cidda aanu la xidhiidhayno, ciddina noo sheegi mayso, sidii waftigii wasiir khaarajigu u sheegeen Taiwan, maaha go’aan shakhsi, wasiir iyo guddi kasoo baxay, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah da’a kastuu yahay iyo meel walba uu joogo, tanna wixii ka dhacay iyo waxay u goosatay aabba-yaashiin iyo awoow-yaashiin waydiiya, Somaliland mid cid loogu hanjabo maaha Ilaahay bay aaminsan tahay Xoriyadeeday ilaashanaysaa halkaasay taagan tahay, ninkii hadlayna waa ina iska haddle”.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu noqday madaxweynihii u horeeyey ee saxeexiisa la dhigo Xafiiska la socodka Tacadiyada ka dhanka ah Haweenka.
Wa-bilaahi Tawfiiq