Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka gobolka, ka degmada iyo iyo qaybo kamid ah bulshada gobolka.

Madaxweynaha oo saaka safar shaqo kaga soo ambo baxay caasimadda Hargeysa, ayaa xadhigga ka jari doona tartanka koobka horyaalka horyaallada kubbadda cagta Jamhuuriyadda Somaliland ee 2021-ka oo galabta ka furmi doona Garoonka kubbadda cagta ee Cabdalle Stadium ee magaalada Berbera, kaas oo ay ka qaybgeli doonaan kooxo kala duwan oo ka socda gobollada dalka.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa ka hor intii aanay gaadhin magaalada Berbera waxa lagu soo dhaweeyey deegaamada u dhexeeya deegaannada u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

 Wa-Bilaahi Tawfiiq