Hargeysa-6-02-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Baqiic ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa loogu sameeyey taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Marxuum Gaashaanle Sare Muuse Cilmi Faarax.
Aaska marxuumka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, qaar kamid ah hoggaanka axsaabta qaranka, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada dalka, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ehellada iyo qaraabada marxuumka iyo dadweyne kale oo ka qaybgalay jinaasada, waxana si qoto dheer looga sheekeeyey taariikhdii marxuumka iyo kaalintii uu ku lahaa dhismaha ciidamada.
Xubno ay kamid yihiin guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Faarax Mire (Giirre), wasiirrada arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Cali Albaani, murrashaxa xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Nuur Carraale (Duur), safiirkii hore ee Somaliland u fadhiyey dalka Kenya, Amb. Baashe Cawil iyo qaar kamid ah ehellada marxuumka oo jinaasada ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sheegay inuu marxuumku ahaa shaqsi soo dedaalay, taariikh mug weyn ku lahaa ciidanka, dhawrsoon oo Bani’aadamka ixtiraami jirey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxana uu ku sifeeyey sarkaal ciidan ahaa oo Ilaahay ku mannaystay Afgaabni iyo edaab dheeraad ah, waxana uu yidhi,“Nin in badan soo shaqeeyey, halgankii kasoo qaybqaatay, asluub badan, Af gaaban oo aanan u malaynayn inuu qof Islaam ah afkiisa iyo addinkiisa gef ku gaadheen buu ahaa.”

Wa-bilaahi Tawfiiq