Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo sannad-guurada 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka Booliska Somaliland oo maanta ku beegan.

Munaasibadda xuska ciidanka Booliska oo lagu qabtay xarunta guud ee taliska Booliska, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay guddoomiyaha maxkamadda sare, guddoomiye-ku-xigeenka golaha wakiillada, madaxweyne-ku-xigeenno hore,  qaar kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, hoggaanka xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI, taliyayaasha Booliska ee dalka Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida, qaar kamid ah la-taliyayaasha madaxweynaha qaranka, saraakiil kala duwan oo katirsan xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana munaasibadda si weyn  diiradda loogu saaray muhiimadda ay ciidanka Boolisku u leeyihiin qaranka.

Ugu horrayn waxa munaasibadda lagu soo bandhigay masrixiyad ka hadlaysay kaalinta ay ciidanka Booliku ugu jiraan nolosha bulshada iyo horumarka qaranka, waxana ay fannaaniinta ciidanka Boolisku halkaas ku muujiyeen sida ay ciidanka Boolisku u yihiin kuwa lagu ledo ee masuulka ka ah xasilloonida iyo nabadda dalka.
Taliyaha hawlgelinta Mudane Ibraahim Cabdi Xaaji  Nuur oo halkaas ka hadlay, ayaa soo bandhigay tirada dambiyadii dalka ka dhacay sannadkan, dedaallada ay Boolisku geliyeen inay gacanta kusoo dhigaan dhammaanba dadkii dambiilayaasha ahaa iyo muhiimadda ay siinayaan inay xasilloonida iyo amniga bulshada ilaaliyaan.

Taliyayaasha ciidamada Booliska ee dalka Jabuuti iyo Dawlad-deegaanka Soomaalida oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay u rajeeyeen guul iyo horumar, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay wax badan oo xambiyada ah iska kaashadaan ciidanka Booliska Somaliland.

Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo munaasibadda khudbad ballaadhan ka jeediyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay sida uu taliye ahaan xilka isaga saaray sidii loo dhisi lahaa kalsoonida wada-shaqaynta iyo ciidanka shacabka ka dhaxaysa, islamarkaana si weyn dib ugu habeeyeen ciidanka Booliska, kuna soo dareen dhallinyaro aqoonyahanno ah oo la tallaabsata Tignoolajiyadda casriga ah, kuwaas oo khubaro ku ah hababka casriga ah ee dambiyada kala duwan maanta loo fuliyo.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa hambalyo kal iyo laab ah u diray ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta la xusay sannad-guuradii 28-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaskooda, waxana uu caddeeyey inay xukuumaddu u hagarbaxday ciidanka Booliska, maadaama oo ay yihiin furaha dhismaha nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda xuska ah soo Afmeeray, ayaa hambalyeeyey ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo xaasaskooda, waxana uu ku tilmaamay naf-hureyaal dhiirran oo qarankooda u huray naftooda, maalkooda, muruqooda iyo maalkoodaba.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay dhibaatada ay shacabku ku hayaan ciidankii iyaga ilaalintooda u taagnaa, in badan oo shaqo qaran ku jirteyna dano gaar ahaaneed loo laayey, isaga oo soo jeediyey in arrintaasi u baahan tahay wax ka qabasho degdeg ah, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxaynu hambalyeynaynaa ciidanka Booliska, in sannadkaa sannadkiisa ay ku gaadhaan Barwaaqo iyo bashbash, waxana ay inoo tilmaameen dhibaatada ugu weyn ee haysataa inay tahay dilal badan oo ciidanka loo geystay iyaga oo ka shaqaynaya danta qaranka, taas oo u baahan inaynu qaran ahaan ka halgalno sidii aynu u yarayn lahayn dadka qaldan ee dagaal dantooda ah kala hor imanaya ciidanka Booliska, waana arrin culayskeeda leh.”

Wa-bilaahi Tawfiiq