Oodweyne-16-09-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku tegay gobolka Daad-madheed, ayaa maanta kormeer ku sameeyey Dhaam-biyood weyn oo xukuumaddu ka waddo duleedka magaalada Oodweyne, isaga oo sidoo kalena xadhigga ka jaray dhisme cusub oo ay wasaaradda xannaanadda Xooluhu leedahay oo gudaha magaalada Oodweyne laga hirgeliyey.
Ugu horrayn, madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno katirsan weftiga uu hoggaaminayo, ayaa kormeer iyo indho indhayn ku sameeyey Dhaam-biyoodka weyn ee duleedka Oodweyne xukuumaddu ka waddo, kaas oo la filayo inuu wax weyn ka taro biyo yaraanta ka taagan magaalada Oodweyne.
Madaxweynaha, ayaa warbixin la xidhiidha halka hawsha Dhaamku marayso ka dhegaystay wasiirrada wasaaradaha, Horumarinta Biyaha, Mudane Xasan Cali Maxamed (Cali-marreexaan) iyo Xannaanada Xoolaha, Mudane Siciid Sulub Maxamed, kuwaas oo ku dheeraaday baaxadda hawsha socoto iyo dedaalku qaran ee loogu jiro sidii bulshada reer Oodweyne u heli lahayd Biyo ay cabbaan.
Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhisme cusub oo loo bineeyey wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, taas oo miisaaniyadda qaranka laga maalgeliyey, islamarkaana qayb ka ah waxqabadka ballaadhan ee xukuumaddu ka waddo gobolka Daad-madheedh. 

Wa-Bilaahi Tawfiiq