Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Caasimadda Hargeysa Kala Qaybgalay Tukashada Salaadda Ciidal-Fidriga, Baaq Cusubna Ka Diray Arrinta Laascaanood.
 
Hargeysa-21-04-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal-fidriga oo maanta laga oogay guud ahaanba dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo badiba dalalka kale ee Islaamka.
 
Madaxweynaha oo tukashada salaadda kala qaybgalay boqollaal qof oo ku tukaday masjid-jaamaca weyn ee caasimadda Hargeysa, waxana uu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa oo duco iyo colaadda magaalada Laascaanood oo uu baaq cusub ka diray.
 
Ugu horrayn, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay inay dadka Islaamka ahi quluubta ka midoobaan, dhexdoodana iska kaashadaan, waxana uu yidhi, “Culimadu waxa ay inoo sheegtay inay dadka Islaamka ahi qalbiga ka heshiiyaan, Islaamkuna yahay guri la dhisayo oo dhagaxba dhagax saaran yahay oo haddii mid dumo inta kale dumayso, markaa waxa inagu waajib ah Muslim ahaan inaynu is wada kaashanno.”
 
Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka hadlay colaadda ka taagan magaalada Laascaanood, isaga oo xusay inuu mar kastaba nabad ku baaqayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Innagu haddii aynnu reer Somaliland nahay colaadda Laascaanood bilowgeedii illaa maanta nabad uun baynu u haynaa, maantana waxaynu Ilaahay ka baryeynaa inuu colaaddaa inaga demiyo, dadka kale ee colaaddaas wadana waxan leeyahay colaad walba nabad baa ka dambaysa, caqliga saliimka ahina waxa uu ku jiraa in colaadda la qabto intaanu khasaaraheedu weynaan.”
 
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay marnaba suurogal ahayn in xuduud cusub oo qabyaaladeed la sameeyo, lana baabi’iyo xuduudda caalamiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee la wada yaqaanno, isaga oo muujiyey inay ka madaxweyne ahaan markastaba ka go’an tahay in colaadda Laascaanood lagu dhammeeyo nabadgelyo,“waa markii Toddobaad ama Siddeedaad ee aan ku baaqo nabad, dadkaa colaaddaas shidayana waxan leeyahay faraha kala baxa Somaliland nabadeedda way samaysan kartaaye, midina suurtogal ah oo shantii Soomaaliyeed ee isticmaarku qaybiyey ee Afrika lamidka ahaa baa xadkii Somaliland la beddelayaa oo nin Kiiniya jooga, mid Itoobiya Jooga, mid Soomaaliya jooga iyo mid Somaliland joogaa beddelayaa oo soo saaraya xad qabali ah oo cusubi ma suurtogelayso,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
 
Wa-bilaahi Tawfiiq