Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidal Adxaha.
Hargeysa-09-7-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxaha oo maanta laga oogay guud ahaanba dunida Islaamka.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin kale, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, halkaas oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan shacab ahi, waxana uu madaxweynuhu bulshada u jeediyey khudbad uu diiradda ku saaray muhiimadda iskaashiga iyo wada-jirka bulshada reer Somaliland iyo sidii ay ugu dedaali lahaayeen inay gacmahooda wax kula soo baxaan.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay carqaladda uu maamulka Xamar ku sameeyey dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa, waxana uu dawladda Sucuudiga u diray farriin cad oo la xidhiidha in Jamhuuriyadda Somaliland loo madax bannaaneeyo arrimaha la xidhiidha xujaydeeda, siyaasadda laga daayo cibaadada.
Wa-bilaahi Tawfiiq