Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Casuumay Xildhibaannada Golaha Wakiillada


Hargeysa-13-02-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta munaasibad hadhi-sharafeed ah xarunta qasriga madaxtooyada ugu sameeyey xubnaha golaha wakiillada ee ay shacabku soo doorteen 31-May ee sannadkii dhammaaday ee 2021-kii.

Kulankan hadhimada ah ee uu madaxweynuhu ku sharfay xubnaha golaha wakiillada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, gudoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, maayarka caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, mudaneyaasha golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah madaxda hay’adaha kala duwan ee xukuumadda iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha loogu mahadnaqay madaxweynaha qaranka ee casuumadda u sameeyey, iyada oo sidoo kalena lagu hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay inay si habsmi leh u wada shaqeeyaan saddexda dhardaar ee qaranku ka kooban yahay, kuwaas oo kala ah fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorku.

Ugu horrayn guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha qaranka uga mahadceliyey sida uu ugu sharfay casuumadda, isaga oo intaas ku daray inuu madaxweynuhu yahay hoggaamiyihii qaranka, islamarkaana uu xaq u leeyahay inuu u yeedho oo la kulmo goleyaasha kala duwan ee dalka, waxana uu yidhi, “Weynu uga mahadnaqaynaa madaxweynaha casuumadda, golaha wakiilladuna waa golihii shacabku doortay oo shacabkay wakiil ka yihiin, dhammaan hay’adaha dawladda ee halkan fadhiyana waxa isku xidha oo oday u ah madaxweynaha oo ah odaygii guud ee qaranka, sida uu xil uga saaran yahay xukuumadda, buu golahana xil uga saaran yahay golaha Baarlamaanka oo isku dhan, sidaas oo kale buu golaha garsoorkana xil uga saaran yahay, waana odaygii guud ee isku xidhayey intaas oo dhan.”

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa isaguna dhankiisa si mug leh u hogo-tusaaleeyey saddexda dhardhaar ee qaranku ka kooban yahay iyo hannaanka ay u wada-shaqeeyaan, waxana uu xildhibaannada kula dardaarmay inay waqti badan geliyaan sidii ay bulshadii soo dooratay ugu shaqayn lahaayeen, kuna fikiraan sidii ay mustaqbalkooda siyaasadeed u dhisi lahaayeen.
Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay casuumad-sharafeedda uu u sameeyey xubnaha golaha wakiillada, waxana usoo jeediyey inay la shaqeeyaan madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, maadaama oo uu madaxweynuhu yahay hoggaamiyaha guud ee qaranku leeyahay, isaga iyo golahana ay ka dhaxayso wada-shaqayn ballaadhani.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu casuumaddan sameeyey, ayaa xildhibaannada uga mahadnaqay inay soo ajiibeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in farriintiisu tahay in kala duwanaanshaha Aaraa’da la isku ixtiraamo, si ilbaxnimo lehna loo doodo oo halka codku u bato uun la ixtiraamo, waxana uu yidhi,

“Maanta arrinteennu waa qado-sharaf, waana hal farriin oo kali ah oo ah goleyaasha qaranka ugu sarreeya, xeer-dejinta oo labadii shirguddoonba joogaan, maxkamaddii oo uu joogo guddoomiyihii maxkamadda sare iyo fulintii oo badankoodii jooga, aynu Ilaahay kaga codsanayno inaynnu noqonno dawlad danta qaranka ka shaqaysa, doodda oo marka ay doodaanna halka codku u bato isku raaca, qaabka ay u shaqaynayaanna uu yahay mid ixtiraam ku dhisan.”


Wa-bilaahi Tawfiiq