Hargeysa-17-07-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo maanta xabaalaha Baqiic ee waqooyiga Hargeysa loogu sameeyey marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro) oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya.
Madaxweynaha Qaranka oo ay wehelinayaan madaxda dalka ugu sarraysa oo ay kamid yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan, culimaa’uddiin kumannaan katirsan qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa janaasada marxuumka ku tukaday.
Ugu horrayn, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, iyo Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Sheekh Cabdirisaaq Cali Xuseen (Albaani), ayaa ku dheeraaday taariikhdii wanaagsanayd ee marxuum sheekh Aadan-siiro, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo.
Guddoomiyeyaasha maxkamadda sare iyo golaha wakiillada, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed iyo Mudane Cabdirisaaq khaliif Axmed oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland, waxana ay marxuumka Eebbe uga baryeen inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, kana abaalmariyo wanaagyadii uu sameeyey.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn tacsi u diray ehelka marxuumka, bahda culimada iyo guud ahaanba shacbiga reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey samofale weyn oo dunida korkeeda kaga tegay sunneyaal khayri ah oo bulshada manfacaya.
Madaxweynuhu waxa ku dheeraaday kaalintii samofal ee maxruumka iyo tallaabooyinkii wanaagsanaa ee ka shaqayn jirey markii uu noolaa iyo sida ay bulshada u anfaceen, “Waxa la isku raacsan yahay inuu sheekhu ahaa samo-fale weyn oo aad samaha uga shaqeeyey, wuxuu ahaa ninkii xabaalahan maanta lagu aasayo aas-aaskeeda lahaa ee hoyga Aakhiro lafihiisa iyo kuweennaba u diyaariyey,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Marxuum Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Aadan-siiro), ayaa kamid ahaa culimada waaweyn ee reer Somaliland, waxana uu caan ku ahaa samo-falka bulshada, wax bixinta iyo horumarinta danta guud.
Wa-bilaahi Tawfiiq