Hargeysa:16/03/2022()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qaadhaan lacageed oo ay kaga qaybqaadanayaan gurmadka qaranku ugu jiro dadka iyo duunyada ay abaartu saamaysay kala wareegay qaar kamid ah ganacsatada yaryar ee suuqa Gobanimo iyo goob lagu barto Diinta Islaamka.
Ganacsatada lacagaha wareejiyey oo kala ah TAWAKAL, TALO-WADAAG iyo UMU SALAMA, ayaa waxa ay soo wakiisheen Xildhibaan Axmed Dayib Aadan (ku-caddeeye) oo kamid ah golaha wakiillada,waxana uu madaxweyne-ku-xigeenka ku wareejiyey qaadhaan lacageed oo dhan $5300 (Shan kun iyo saddex Boqol).
Xubno kamid ah golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa ururrada taakulada lacageed soo gaadhsiiyey u mahadnaqay, waxana ay soo jeediyeen in qaybaha kale ee bulshaduna ay ku daydaan oo ay qabtooda ka qaataan gurmadka abaaraha.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa markii uu qaadhaanka guddoomay kaddib ammaanay ururrada is xilqaamay ee lexejeclada u muujiyey dadkooda abaartu taabatay, waxana uu ugu baaqay ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshadaba inay qayb libaax ka qaataan qaadhaanka loogu gurmanayo dadka abaaraysan, isagoo hoosta ka xarriiqay in guddida gurmadka abaaraha ee uu hoggaamiyaa ay hab cad oo ay bulshadu wada arkayso shacabka u gaadhsiiyeen wixii gacantooda soo galay.