Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo maanta safar shaqo ku tagay magaalada Berbera ayaa maanta soo xidhay Tartanka Kubadda Cagta ee Horyaalka Horyaaada JSL oo ka socday Magaalada Berbera.
Tartankan oo ahaa mid aad u xiise iyo xamaasad badan, ayaa waxa ugu dambayntii iskugu soo hadhay Kooxaha Gaashaan Hargaysa iyo Kooxda Dawlada Hoose ee Hargaysa iyada oo Gool ku laag Guusha ku raacday Kooxda Dawladda Hoose ee Hargaysa.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL, ahna ku-simaha Madaxweynaha JSL, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horrayntii hambalyeeyey kooxdii qaaday koobkaasi, isaga oo sheegay in Xukumadda Wadajir iyo Waxqabad ay ka go'an tahay dhiirrigelinta Dhalinyarada waxana uu yidhi:
"Maanta waxa aan ku faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xidhitaanka Tartankan oo ahaa mid marxalado kale duwan soo maray.
Tartankan in uu xiiso gooniya lahaa waxa aad ku garataa in Madaxweynihii Qaranka oo safar ku maqan uu ciyaartaasi si toos ah u daawanayey.
Waxa aan u mahad celinayaa cid kasta oo kaalin ka qaadatay Tartankan maanta sida quruxda badan leh inoogu soo dhamaaday