Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Soo Xidhay Tartanka Horyaalka Horyaalada Somaliland ee Kubbadda Cagta
 
Hargeysa-28-01-2023-()-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa galabta ka qeybgalay geba-gebada tartanka Horyaalka Horyaalada Jamhuuriyadda Somaliland ee kubbadda cagta oo ka socday Garoonka Hargeysa Stadium ee Caasimadda, kaasoo dhexmarayey Kooxaha Ciidanka Qaranka ee Gaashaan Hargeysa iyo Gaashaan Gabiley iyadoo guushu raacday kooxda Gaashaan Hargeysa.
Waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Xaaji Ducaale (Qambi) Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, maamulka xidhiidhka ciyaaraha, Xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan.
 
Madaxweyne ku-xigeenka oo halkaasi khudbad ka jeediyey markii ay soo dhammaatay ciyaartaasi ayaa u mahadceliyey dhammaan kooxihii ka qeybgalay tartanka, sidoo kalena waxa uu hambalyeeyey kooxda Gaashaan Hargeysa ee ku guulaysatay Koobka, sidoo kalena Madaxweyne ku-xigeenka ayaa dhalinyarada reer Somaliland kula dardaarmay isku duubnaadan horumariyaana ciyaaraha kala duwan si loo helo Qaran qurux badan. Waxaanu yidhi “Marka hore waxaan u hambalyeynayaa kooxda gaashaan ee ku guulaysatay inay galabta hanato Koobkii loo tartamayey bill iyo dhawr iyo tobankaa cisho, waxaa kale oo aan hambalyeynayaa dhammaan kooxihii kasoo qeybgalay ee sida quruxda badan iyo dhaqanka ciyaar wanaaga ah soo sameeyey, intii badisay iyo intii laga badiyeyba aad iyo aad baan u hambalyeynayaa waanan u ducaynaynaa”.
 
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu abaalmarino iyo shahaadooyin guddoonsiiyey ciyaaryahanadii loo gartay wixii ay u qalmayeen intii tartanku socday, sidoo kale waxa goobta laga xusay masuuliyiintii, Shirkadihii iyo shaqsiyaadkii qaybta weyn ka soo qaatay tartanku intii uu socday. 
 
Ugu Danbayna Madaxweyne ku xigeenku waxa uu koobkii horyaalka Horyaalada gudoonsiiyey kooxda Gaashaan Hargeysa oo iyadu galabta noqotay horyaalka horyaalada Somaliland.
Wa-bilaahi Tawfiiq