WAR-SAXAAFADEED.
Shirkii Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dood iyo Falan-qayn Dheer ka Dib Ay Ka Soo Baxeen Qodobo.
 
Hargeysa-04-05-2023-()-Fadhigii 110aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka lagaga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, mudane, Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa goluhu war-biximo ka kala dhegeystay Wasiirrada Wasaaradaha, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed.
 
Goluhu waxa uu dood dheer iyo falaqayn ka yeeshay arrimo ay ka mid tihiin diyaar garowga sannad guurada 32aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-MAY-1991, Fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad (NDP3), xeerka gaadiidka iyo waddo-marista iyo qodobo kale oo Qaranka muhiim u ah.
 
Waxaana golaha ka soo baxay qodobbo ay ka mid yihiin:-
 
1. Xuska 18 May ee Sannad Guuradda 32aad ee ka soo wareegtay Dib-ula-soo-noqoshadii Madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland awgeed, waxa uu Goluhu ugu baaqay in Shacabka iyo Ciidanka Qaabilsan Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, sidii caadada iyo dhaqanka u ahayd ay iskaga kaashadaan ilaalinta nabadda dalka, isla markaana ciidanku ay si gaar ah xil-weyn iska saaraan xoojinta Amniga, iyada oo Ciidammada ku hawlan Difaaca Guud ee Qarankuna ku sugnaan doonaan xarumahoodii.
 
2. In aanay Qaranka Somaliland khusaynin Tiro koobka ay Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay waddo, maxaa yeelay Jamhuuriyadda Somaliland waa dal gaar u taagan jiritaan ahaanna ka horreeyey Soomaaliya, xuduudeheeda Afarta Jahana ay cad yihiin, waana xuduudo caalami ah. Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xuduudaheedu waxay u jiraan si sharci ah (de jure).
 
3. In Hay’adaha Dawladu ay fuliyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 3aad (NDP3).
 
Ugu dambayn, Garyaqaanka Guud ee Qaranka iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sharaxaad ka bixiyey Kaabista iyo Wax-ka beddelka Xeerka Gaadiidka iyo Waddo-marista (Xeer Lr.56/2023). Intaas ka dib goluhu waxa dood iyo falan-qayn dheer ka yeeshay Xeerkaas, iyagoo u ballamay in doodu sii socon doonto shirarka dembe ee Golaha.
ALLAA MAHAD LEH
 
Naasir Yuusuf Daahir 
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.