Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Ayaa maanta daahfurtay barnaamijka Somaliland Women In Tech.
Waa sanadkii labaad ee ay wasaaraddu qabato barnaamijkan kor loogu Qaadaayo xirfadaha tiknoolojiyadeed ee hablaha Somaliland,sidoo kalena Abuuri kara fursado shaqo oo ay hablaha Somaliland ka faa'iidaystaan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolojiyadda Somaliland Mudane.Yuusuf Warsame Xasan ayaa xusay in shirkan iyo tababarkuba ay ka mid yihiin Qorshayaasha ay wasaaraddu ku dhiirigalinayso Hablaha Somaliland Si Aqoontooda tikknoloji kor loogu qaado.
Dhanka kale waxa kalamado dhiirigalin iyo guubaabo ah ka jeediyay shirka Agaasimayaasha guud ee wasaaradda,Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arimaha Dastuurka ,Koomishanka Maamul Wanaaga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa , Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland, Gudoomiye Ku xigeenka Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo La-taliyaha Arimaha Dibadda ee Golaha Guurtida Somaliland.
Sidoo kale waxa ka soo baxay doodihi shirka in ay jiraan fursado badan oo teknooloji oo ay hablaha Somaliland shaqo abuur ka samayn karaa,iyadoo wasaaradduna balan qaaday tababaradaasi xirfadeed in ay siin doonto hablaha Somaliland.