
Ugu horrayn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa kelmedo dardaaran ah u jeediyey masuuliyiinta maanta la dhaariyey, waxana uu ku dhiirriyey inay dhawraan ammaanada dummaddooda la saaray.
Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si wada jira u dhaariyey masuuliyiintan, kuwaas oo gacmaha saaray kitaabka Qur’aanka kariimka ah, islamarkaana ballan qaaday inay daacad u noqon doonaan dadka, dalka iyo Diinta Islaamkaba.
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib kelmedo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey xubnaha dhaarta gutay, isaga oo ku adkeeyey inay waajibaadka la saaray u gutaan si hufan, bulshadana ugu adeegaan si daacadnimo ku dheehan tahay.
Masuuliyiinta maanta la dhaariyey, ayaa isagu jira wasiirro, wasiir-ku-xigeenno, guddoomiyeyaal hay’ado madax-bannaan iyo kuxigeenno, waxana ay kala yihiin;
Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha, Mudane, Cabdiqaadir Iimaan Warsame, wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, wasiir-ku-xigeenka shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska, Mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Siciid Xasan Habbane, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Maxamuud Jaamac Warfaa, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayada, Mudane Mukhtaar Maxamed Cali iyo ku-xigeenkiisa, Mudane, Xamse Cabdi Ibraahim, guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka, Mudane Guuleed Muuse Galaal iyo guddoomiye-ku-xigeenkiisa, Mudane Maxamed Xuseen Axmed.
Wa-bilaahi Tawfiiq