
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Madaxda Hay’adaha UN-ta uga mahad naqay booqashada ay ugu yimaadeen, isaga oo ku bogaadiyey doorka muuqda iyo waxqabadka ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan Somaliland, gaar ahaan arrimaha bini’aadannimada, horumarka bulshada, iyo dhismaha kaabeyaasha Dawladnimada. Waxa uu xusay in iskaashiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Hay’adaha UN-ta uu yahay mid ku dhisan kalsooni iyo wada-shaqayn soo jireen ah.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Madaxda Sare ee Hay’adaha UN-ta Somaliland si gaar ah ugala hadlay Xaaladda Abaaraha ba’an ee ka jira dhammaan Gobollada dalka, kuwaasi oo saameyn weyn ku yeeshay nolosha bulshada, gaar ahaan nolol-maalmeedka dadka reer miyiga ah iyo xoolo-dhaqatada, kuwaasi oo haatan noloshoodu ku jirto halis weyn.
Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu carrabka ku adkeeyey in abaaruhu ay sababeen biyo-yari, cunto-la’aan, bara-kac weyn iyo khasaare baaxad leh oo soo gaadhay xoolaha nool oo ah laf-dhabarta uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha dalka Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa Hay’adaha Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay door firfircoon ka qaataan Gurmadka abaaraha, isla markaana ay diyaariyaan gargaar bini’aadannimo oo degdeg ah, sida cunto, biyo nadiif ah, daawooyin, adeegyo caafimaad, iyo calafka xoolaha, si wax looga qabto dhibaatada maalin walba sii kordhaysa ee haysata dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu xusay in Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ay diyaar u tahay in ay Hay’adaha UN-ta la yeelato wada-shaqayn buuxda iyo tallaabo kasta oo lagu dardar-gelinayo gaadhsiinta gargaarka, isaga oo adkeeyey in wax-ka-qabashada abaaruhu ay tahay mas’uuliyad wadareed u baahan jawaab degdeg ah iyo isku-dubbarid qorshaysan oo lagu xoojinayo Gurmadka Abaaraha.
Iyaguna dhankooda, Madaxda Sare ee Hay’adaha UN-ta oo uu hoggaaminayey Madaxa Xafiiska Isku-dubba-ridka Qaramada Midoobay ee Somaliland, Mudane Tedla Damte ayaa Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Xukuumaddiisa ku bogaadiyey ka shaqaynta nabadda, xallinta khilaafaadka iyo Qaramaynta Ciidamadii Madaniga ahaa ee tirada badnaa, taasi oo wax badan ka tartay amniga iyo xasilloonida dalka.
Mudane Tedla Damte waxa uu xusay in kasta oo Xaaladda Dhaqaale ee Dunidu aanay haatan wanaagsanayn, hawlihii Qaramada Midoobayna ay hoos-u-dhac weyni ku yimaadeen, haddana in Qaramada Midoobay ay Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland ula shaqayn doonto sidii ay awalba ula shaqayn jirtay, isla markaana ay sii wadi doonto hawlaha gargaarka bani’aadannimada iyo horumarinta bulshada, hadba intii karaankeeda ah.
Xagga Gurmadka Abaaraha, Mudane Tedla Damte waxa uu sheegay in Hay’adaha UN-ta ee ka hawl gala Somaliland ay ka qayb qaadan doonaan gargaarka abaaraha intii itaalkooda ah.
Gabagabadii, Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale caddeeyey sida ay Dawladda Somaliland uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga kala duwan ee ay la leedahay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Jamhuuriyadda Somaliland
