Burco-15-09-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo caasimadda kaga maqan, ayaa maanta soo dhaweyn ballaadhan oo aan kala go’ lahayn loogu sameeyey dhammaanba magaalooyinka iyo degmooyinka ku teedsan waddada isku xidha Burco iyo Berbera, waxana ay goor dhaweyd soo gaadheen magaalada Burco, halkaas oo ay Kumannaan kamid shacabka reer Burco si ballaadhan ugu soo dhaweeyeen.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo saaka kasoo ambo baxay Berbera, ayaa markii ay soo gaadheen degmada Sheekh waxa ay kormeer kooban ku sameeyeen dhismaha cusub ee jaamacadda Sayniska iyo Tignoolajiyadda ee duleedka Sheekh, waxana intaas kaddib gudaha magaalada Sheekh ku qaabilay dadweyne tiro badan oo safaf dhaadheer ugu jirey soo dhaweyntiisa, kuwaas oo shaaracyada magaalada safaf kaga jirey,isaga oo socod dheer oo lug ah la qaatay dadweynihii soo dhaweeyey.
Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa sidoo kale soo dhaweyn ballaadhan kala kulmay qaybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan degmada Qoyta ee duleedka Galbeed ee magaalada Burco, waxana madaxweynaha iyo xubnaha wasiirrada, maamulka gobolka iyo midka degmada Burco ay bulshada u jeediyeen khudbado ay ugaga mahadnaqayaan soo dhaweynta milgaha leh ee ay ku qaabileen.
Intaas kaddib, madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa u jihaystay dhinaca magaalada Burco, waxana jidadka waaweyn ee magaalada kusoo dhaweeyey dadweyne isugu jira, salaadiin, cuqaal, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo haldoor kale oo safaf u taagan, kuwaas oo si weyn ugu heellanaa soo dhaweynta madaxweynaha iyo weftigiisa, islamarkaana calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar shaqo oo maalintiisii labaad galay kusoo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa gudo geli doona hawlahooda shaqo ee ay gobolka u yimaadeen.
Wa-bilaahi Tawfiiq