
Hargeysa-29-06-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada Gobolka Daadmadheedh.
Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud ee Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya.
Sidoo kale Kulankaa waxa la isku raacay in la dhiso lana taageero musharaxa madaxweynaha ee xisbi xaakimka Kulmiye iyo xukuumaddiisa.
Waxaanu kulankaasi ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa.