Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qaybgalay Aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Maxamed Diiriye Daarood. Hargeysa:25/12/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo xabaalaha Uubaale ee koonfurta Hargeysa Hargeysa loogu sameeyey marxuum Maxamed Diiriye Cige (Daarood) oo kamid ahaa odayaasha talo-qabeenka ah ee reer Somaliland. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax kala duwan oo xukuumadda katirsan iyo dadweyne oo aad u tiro badan, ayaa ka qaybgalay Aaska marxuum Maxamed Diiriye Cige oo waqti badan soo geliyey islaaxa iyo midaynta ummadda reer Somaliland, islamarkaana maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Qaar kamid ah madaxda dhaqanka, waxgaradka iyo waayeelka reer Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday wanaaggii iyo samo-falkii marxuumka, waxana ay Eebbe uga baryeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo. Xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo maayarka caasimadda Hargeysa oo goobta Aaska ka hadlay, ayaa iyaguna si qoto dheer u sharraxay sidii uu marxuumku waqtiga badan u gelin jirey midnimada iyo walaaltinimada ummadda dhexdeeda ee uu astaanta ugu ahaa wanaagga. Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, Mudane Siciid Mire Faarax (Giirre), ayaa isaguna marxuumka tacsi tiiraanyo leh u diray, waxana uu Eebbe uga baryey inuu jannadii Firdowsa ka waraabiyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tacsida kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray marxuum Maxamed Diiriye Cige (Daarood) oo kamid ahaa haldoorka astaanta u ah nabadda iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland, waxana uu marxuumka ku sifeeyey nabad-doon tacab badan geliyey sidii ay bulshadiisu wada-jir ugu horumari lahayd. ALLAA MAHAD LEH Maxamed Cilmi Xasan (Shiine) Agaasime Ku-xigeenka Saxaafadda iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.