
Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan Berri oo Arbaca ah, taariikhda Milaadiga ahina tahay 19/07/2023.
Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.
Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka iyo Shacbiga Somalilandba u rajaynayaa in Sannadkan cusubi ula kowsada Barwaaqo iyo Horumar aynu sannadka sannadkiisa ku gaadhno.
Kullu Caam Wa Antum Bikhayr