Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka qayb-galay Aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Mujaahid Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ku geeriyooday Dalka Jarmalka balse maanta la keenay laguna aasay Xabaalaha Baqiic ee Hargeysa.
 
Waxa Aaska Marxuumka ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira Xildhibaano, wasiiro, siyaasiyiin, asxaabta xisbiyada, madax-dhaqameed, aqoonyahano, waxgarad iyo bulshada qaybeheeda kala duwan oodhan.