Hargaysa(25/9/2023)Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaan maanta daahfurtay kulan wada tashi oo ku saabsan Xeer-nidaamiyayaasha, Hagayaasha , Habraacyada iyo Halbeegyada Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose ee shan degmo ( Hargaysa , Burco, Borama, Berbera iyo Gabiley).
Kulan kan oo socon doona mudo laba maalmooda , waxa lagu falanqayn doona loogana doodi doona Xeer-nidaamiyaha Adeegyada iyo Lacag Qabashada Elektarooniga ah ee Dawladaha Hoose , Halbeega Midaynta iyo Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose , Hagaha Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Cabashada Dadwaynaha ee Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose .
Waxa kulan kaas kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Dr. Cabdi-weli Cabdilaahi Suufi Jibriil , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Mudane Yuusuf Warsame Xasan , Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha Mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil , Maayirka Caasimada Hargaysa Mudane Cabdikariin Axmed Mooge , Maayirka Boorama Mudane Maxamed Axmed Warsame , Maayirka Burco Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Cabdi , Maayirka Mudane Cabdishakuur Maxamed Xasan , Maayirka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi .
Sidoo kale waxa ka soo qayb galay kulankaasi madax ka kala socota UN-HABITAT, Wasaaradda Maaliyada , Hantidhawraha Guud ee Qaranka , Xafiiska championka , Ururka Dawladaha Hoose ee ALGASL iyo Machadka Dawladaha Hoose.
Kulankaasi waxa ka soo baxay in la fuliyo Xeer-nidaamiyaha Adeegyada iyo Lacag Qabashada Elektarooniga ah ee Dawladaha Hoose, maadaamu uu fudaydinaayo hirgalinta nidaamka casriga ah ee adeegyada Dawladaha Hoose.