Burco:17/09/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta dhagax dhigay guryo cusub oo loo dhisayo dadka danyarta ee ku dhaqan deegaanka Alla Aamin Aw Shugri ee duleedka Koonfureed ee magaalada Burco.
Dadweynaha ku dhaqanka Kaamka Allla Aamin Aw Shugri, ayaa ugu horrayn madaxweynaha iyo xubnaha xukuumadda katirsan ee wehelinaya halkaas kusoo dhaweeyey, waxana ugu horrayn munaasibadda ka hadlay qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu ugu dhiirraday in dadka danyarta ahi ay helaan guryo ay u hoydaan.
Maayarka magaalada Burco, Badhasaabka gobolka Togdheer iyo guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay tallaabada uu ku dhagax dhigay dhismeyaasha cusub ee dadka danyarta ah loo dhisayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa la dardaarmay dadka danyarta ah ee halkaas ku nool, waxana ku adkeeyey inay dhexdooda isku tashadaan oo aanay gacan kale waxba ka sugin.
Ugu dambayntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismeyaasha cusub ee loo binayn doono dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Alla Aamin Aw Shurgi ee duleedka Burco.

Wa-Bilaahi Tawfiiq