Kumannaan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Caynaba oo ay hormuud u yihiin maamulka gobolka iyo midka degmada, cuqaasha iyo madax-dhaqameedka deegaanka oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, islamarkaana safaf dhaadheer ku jira, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa ku qaabilay jihada Galbeed ee magaalada Caynaba.
Madaxweyne Muuse Biixi oo ay hareerihiisa socdaan fardo soo dhaweyntiisa ka qayb qaadanayey, ayaa socod lug ah la qaatay dadweyne tiro badan oo soo dhaweyntiisa u taagnaa hareeraha waddada weyn ee halbawlaha ah, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshaha madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.
Goordhaw la soco qaybaha kale ee soo dhawaynta iyo Mashaariicda kale ee madaxweynuhu Furay.