Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo kulan la qaatay cuqaasha, salaadiinta iyo waxgaradka reer Saraareed
Caynaba:18/09/2022()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Caynaba, ayaa caawa kulan la qaatay odayaasha, waxgaradka, cuqaasha iyo bahda dhaqanka ee gobolka Saraar.
Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay bahda dhaqanka gobolka Saraar oo ay ku wehelinayeenayeen xubno kamid ah wasiirrada, xildhibaanno, haldoor iyo madaxda dhaqanka ee gobolka, ayaa diiradda lagu saaray waxqabadka baahsan ee xukuumaddu ka hirgelisay gobolka iyo sida ay ugu hagar baxday mashaariicda muhiimka ah ee bulshada deegaanka loogu talo galay.
Ugu horrayn xubno kamid ah madax-dhaqameedka ugu miisaanka ballaadhan ee gobolka oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba ugaga mahadnaqay doorka xukuumaddu ka qaadatay horumarinta gobolka iyo sida ay uga hirgelisay mashaariic manfac u leh bulshada.
Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa ugu horrayn shacabka ku dhaqan gobolka Saraar ugaga mahadnaqay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo ee gobolka ku sugan, iyagoo bulshadana ugu baaqay inay ilaashadaan nabadda iyo wada-jirka dhexdooda ah.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibada soo gebogebeeyey, ayaa shacabka ku dhaqan gobolka Saraar iyo madaxdooda dhaqankaba ugaga mahadnaqay sidii diirranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen gobolka, isaga oo kula dardaarmay inay si xilkasnimo leh uga faa’iidaystaan una ilaashadaan mashaariicda kala duwan ee xukuumaddu gobolka ka hirgelisay.