Boorama-08-09-2022-()Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 1,088 (Kun iyo siddeed iyo siddeetan) arday oo wax ka baratay jaamacadda Cammuud.
Munaasibaddan oo ka qabsoontay xarunta jaamacadda, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, xubno kamid ah golaha wasiirrada, hormuudka iyo maamulka jaamacadda Cammuud, xildhibaanno, madax-dhaqameed, waalidiin, ardayda maanta qalinjebisay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana madasha laga akhriyey hadallo kala duwan oo loogu fooladaynayo ardayda maanta soo afmeertay waxbarashadooda.
Ugu horrayn, guddoomiyihii hore ee jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, sidii uu ula soo kifaaxay iyo kaalinta uu soo gaadhsiiyey, waxana uu maamulka cusub kula dardaarmay inuu u dhabar adaygo caqabad kasta oo ka hor timaadda.
Guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo doortay hoggaaminta jaamacadda Cammuud, Prof. Maxamed Muuse Jibriil, ayaa isaguna dhankiisa hambalyo u diray ardayda maanta aflaxday, macallimiintooda iyo waalidkoodba, waxana uu ardayda qalinjabisay ku boorriyey inay aqoontooda sii horumariyaan, dalkoodana uga faa’iideeyaan.
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo kamid ahaa ardaydii kasoo baxday jaamacadda Cammuud, ayaa si qoto dheer u sharraxay kaalintii uu ku lahaa inay jaamacaddu maanta halkan soo gaadho oo ay kasoo baxaan arday intaas le’egi.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa dhankiisa bogaadiyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu usoo jeediyey inay ka midho dhaliyaan himilada durugsan ee ay ka leeyihiin waxbarashada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ardayda maanta qalinjebisay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa u jeediyey, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey guushooda waxbarasho, isaga oo bogaadiyey cid kasta oo geeddigaas guulaystay qayb ka ahayd, waxana uu yidhi, “Waan hambalyeynayaa ardayda maanta qalinjebinaysa, waxan bogaadinayaa waalidiintii kusoo tacabtay, waalidiintooda, jaamacadda Cammuud iyo macallimiintooda halkan soo gaadhsiiyey.”
Madaxweynaha qaranku waxa uu guul ku tilmaamay in tiro intaas le’egi ay maanta ka aflaxdo jaacadda Cammuud, islamarkaana laga filayo inay kaalin muuqata ka qaadan doonaan baahiyaha kala duwan ee aqoonta u baahan ee dalka yaalla, “Waxa inoo guul ah in qaran ahaan maanta ay inoo soo baxeen 1,088 jaamiciyiin dalkooda wax bartay oo ummadda reer Somaliland uga faa’iidayn karta dhinac walba,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey ardaydii kaalmaha sare ka galay kulliyadaha kala duwan ee ay ka kooban tahay jaamacadda Cammuud.

Wa-bilaahi Tawfiiq