Hargeysa-21-07-2023-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa qasriga madaxtooyada casho Sharaf ugu sameeyey martida caalamiga ah ee sannadkan ka qaybgelaysa carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo berri Sabtida Lagu Wado inay Furanto.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, ahna ku-simaha golaha, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, haldoor bulsho, madaxda iyo hawl-wadeennada xarunta dhaqanka ee Hargeysa ee iyagu hagaya carwada bandhigga Buugaagta iyo marti-sharaf kale, ayaa caawa casho-sharaf u sameeyey madax ka kala timi dalalka kala duwan ee dunida ee lagu casuumay munaasibadda carwada Buugaagta Hargeysa oo Sabtida berri Furmi doonta.

 Ugu horrayn, guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer ugu dheeraaday muhiimadda ay da’yarta u leedahay carwada bandhigga Buugaagta Hargeysa, sida ay u noqotay goob isdhexgal oo lagu soo bandhigo qiimaha uu akhriska iyo qoraalku leeyahay, waxana uu madaxweynaha uga mahadceliyey sida karaamada leh ee uu usoo dhaweeyey martida caalamiga ah ee munaasibadda kasoo qaybgashay.

Prof. Lumumba oo safka hore kaga jira dadka u dhaqdhaqaaqa horumarinta qaaradda Afrika kana mid ah martida caalamiga ah ee sannadkan oo madasha ka hadlay, ayaa bogaadiyey martiqaadka madaxweynuhu martida u sameeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka cashada ah soo gunaanaday, ayaa martida caalamiga ah ku bogaadiyey inay sannadkan go’aansadaan inay qayb ka noqdaan bandhigga caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, Somaliland-na tahay goob diyaar u ah inay martigeliso madallo waaweyn oo dunidu qayb ka noqon karto.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay madal ammaan buuxaa ka jiro oo ay ku dhaqan yihiin bulsho martisoorka ku wanaagsan oo karaamaysa cid kasta oo dalkooda timaadda.

Dhallinyarada iyo hawl-wadeennada kala duwan ee bandhigga Buugaagta Hargeysa oo ka kala yimi gobollada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa iyaguna kulankan cashada ah qayb ka ahaa.
 
Wa-bilaahi Tawfiiq