Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Dufcaddii 4-Aad Ee Shaqo Qaran Tababar Usoo Xidhay.

Hargeysa-20-07-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay dufcaddii Afraad ee barbaarta shaqo-qaran, kuwaas oo dhammaystay tababar muddo uga socday akaaddamiyadda carbiska Darar-weyne ee duleedka Waqooyi-bari ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, macallimiinta kulliyadda iyo barbaarta tababarka dhammaysatay, ayaa  ugu horrayn salaan ka qaatay cutubyo ciidamada qaranka ah, waxana uu ka qaybgalay gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar heer sare ah oo ay madasha kusoo bandhigeen dhallinyarada maanta qalinjebisay.

Munaasibadda qalinjebinta dufcadda Afraad ee shaqo-qaran, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada tacabka badani galay ee maanta tababarka dhammaysatay, iyada oo sidoo kalena lagu dheeraaday muhiimadda uu barnaamijka shaqo qaran oo uu curinteeda lahaa madaxweynaha Jamhuuriyaddu usoo kordhiyey dhallinyarada waxbaratay ee reer Somaliland.

Agaasimaha Barnaamijka shaqo qaran, Mudane Maxamed Xuseen Mu’addinka oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalkii ay soo mareen dhallinyarada maanta qalinjebisay, tacabka qaranku geliyey iyo sida ay ka maamul ahaan ugu han weyn yihiin inay noqdaan kuwo  ka qaybqaata horumarka dalkooda, soona celiya abaalkii qarankoodu gashaday.

Xubno ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Waxbarashada, Warfaafinta iyo arrimaha gudaha oo munaasibadda hadallo kala duwan ka jeediyey, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dufcadda Afraad ee barbaarta shaqo qaran, waxana ay da’yarta la carbiyey kula dardaarmeen inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan, kana midho dhaliyaan sidii ay u gaadhi lahaayeen hammigooda sare ee ay dalkooda ku horumarinayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dardaaran, dhiirrigelin iyo guubaabo isugu jirta u jeediyey dhallinyarada maanta qalinjebisay, ayaa ugu horrayn hambalyeeyey da’yarta tababarka dhammaysatay, waxana uu ku adkeeyey inay wada-jirkooda iyo isku duubnidooda muhiimad siiyaan, wixii ay barteenna ku dabbaqaan shaqooyinka ay bulshadooda u  qaban doonaan ee sugaya.

Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay faa’iidooyinka dhallinyarada ugu jira tababarka shaqo qaran, isaga oo tilmaamay waxyaabo gaar ah oo ay ka siman yihiin cid kasta oo barnaamijka Shaqo qaran ka aflaxday oo ay kaga duwan yihiin badiba dadka kale, waxana uu yidhi,“Dhammaanba kuwii hore u baxay, kuwa jooga iyo kuwa iman doona ee Shaqo Qaran waxay wadaagaan dhawr qodob oo ah inay marka hore kow u tahay muxuu dalkaygu waajib iigu leeyahay oo aanay ka bilaabin  anigu maxaan doonayaa, waana qodob shaqo qaran waxa ay halkan ka barato kow ka ah, waxana ku xiga kala dambaynta (Discipline), meel aan kala dambayn lahaynina waa fowdo iyo qas.”
Wa-bilaahi Tawfiiq