Hargeysa-20-07-2022-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka u sharraxay ujeeddada ay salka ku hayso cabashada kasoo yeedhaysa axsaabta mucaaridka ah ee ku saabsan hirgelinta doorashooyinka dalka kusoo foolka leh.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasibad ay ku qalinjebiyeen dufcaddii Afraad ee shaqo qaran, ayaa ugu horrayn bulshada usoo jeediyey inaanay dhib weyn u arkin buuqa siyaasadeed ee taagan, shaqada xisbiyaduna tahay dood iyo kala jiidashada shacabka, isaga oo axsaabtana ugu baaqay inaanay marnaba ka tegin milgaha iyo sharafta qaranka, waxana uu yidhi,“Shacaboow mid ogaada, yaan laga sasin buuqa iyo muranka asxaabta, waana meel talo lagu wadaagayo oo ra’yiyo kala duwan baa la isla jiidhayaa, laakiin ma aha meel lagu ducaysto oo masaajidka oo kale ah, doodda xisbiyada iyo muranka xisbiyadu waa xaq dastoori ah, waana waxa aynu u abuurannahaye waa inaynu aqbalnaa, xisbiyada, ururrada imika la bilaabayo iyo kuwa iman doonaba waxa waajib ku ah waar si cadownimo ahna aynu u doodno oo arrinta halka la iska tusayo hallayska tuso, si walaaltinnimo ahnu aynu dalka u dhisanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaan qaranku ku socon Karin rabitaanka cid gaar ah, sharciyadda dalkuna aanay taas sinaba u yeelaynin,“Haddii ay dooddu inaga gasho waxaan doonayo oo aan helo mooyaane waan duminayaa, taas diintuna ma oggola dastuurkuna ma oggola, sharcigana ma oggola oo doon baynu wada saarannahay, markaa waa laga qabanayaa qarankaa ka qabanaya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu si gaar ah uga hadlay doodaha axsaabta mucaaridku aaminsan yihiin iyo sida ay qodobada ay cuskanayaan u jaban yihiin, isaga oo caddeeyey in sharciyadda dalka iyo go’aamadii maxkamadda sare soo saartay aan dhannaba loo dhaafi Karin, waxana uu yidhi,“Xisbiyada mucaaridku waxay fagaaraha ka sheegaan oo ay diiddan yihiin, saddex qodob oo aannu isla oggollahay ayey mid walba cillad daba dhigaan. Waxay yidhaahdeen tobankii sanno ee xisbiyadu furmayeen waa sharci, maxkamadduna way xukuntay oo aannu oggolnahay, laakiin doorashada ma geli karaane saddexda xisbi uun baa doorashada gelaya, ilaa Baarlamaanku sharci cusub soo saarayo, aniguna taas waxan idhi sharci uma hayo oo maxkamaddu wixii ay ina fartay uun baan fuliyaa, Kow iyo toban xaakin oo maxkamadda sare ahi wixii ay gooyeen anigu farogelin kari maayee walaalladay waxa u furan inay maxkamaddii ku noqdaan oo ay weydiistaan inay u sharraxdo, wixii ay maxkamaddu isoo farto uun baan anigu fulinayaaye.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray,“Qodobka labaad ee aanu isku haynaa waxa weeye doorashadii madaxweynaha waqtigeedii halla qabto, yaase diiddan, in doorashadii madaxweynaha waqtigeedii la qabtana waxa muddayn kara Komishanka doorashooyinka, guddidii doorashooyinka oo dhexdooda khilaaf ka yimi oo shaqadii ka wada tagtayna degdeg baan usoo magacaabay, waxana aan u diray Baarlamaanka, labada xisbi ee mucaaridka ah baan ugu badan golaha, saddex buu Baarlamaanku diiday, saddexdabana cidda diidday waxay ahaayeen xisbiyada mucaaridka ah.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu mucaaridka ugu baaqay inay fasaxaan xubnaha Komishanka doorashooyinka ah ee ay xildhibaannadoodu soo celiyeen, si loo dardargeliyo doorashooyinka, maaddaama oo ay komishanku udub-dhexaad u yihiin dhammaanba doorashooyinka dalka, waxana uu yidhi,“Haddii ay xisbiyada mucaaridka ah ka dhab tahay in la muddeeyo doorashada madaxtooyada, ciddii doorashada qaban lahaydna waan haysanayaa, doorashadii in la muddeeyona waan rabaa  isma qabatee hasoo daayaan  saddexdii xubnood, dabadeedna guddida doorashooyinku ha inoo muddeeyaan, wax kale oo aynu isku haysanaa iima muuqatee.” Wa-bilaahi Tawfiiq

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey inuu mar kasta diyaar u yahay in la wada-hadlo, faq iyo fagaarena la isku arko, isaga oo ka digay isku day kasta oo ka hor imanaya shuruucda dalka.
 
Wa-bilaahi Tawfiiq