Madaxweyne ku-xgeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku guda jira kormeerka mashaariicda horumarinta iyo maamul daadejinta ee JPLG-ga ee sannadkan 2022 ayaa gaadhay Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxaana uu Madaxweyne ku-xigeenku kulan xogg-waraysi ah la qaatay masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada, kaasi oo ku saabsan qaabkii dawladda hoose ee Burco u maamushay mashaariicda JPLG.
 
Sidoo kalena Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu dhagax dhigay waddo cusub oo dawladda hoose ka fulin doonto gudaha magaalada Burco isla markaana laga maal-geliyey mashruuca JPLG sannadkan 2022-ka.