Hargeysa-30-04-2023-()-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta Kormeeray saddex mashruuc oo ay maalgalineyso dawladdu, fulineysana Wakaalada Biyaha Hargeysa.
Mashaariicdaas oo kala ah;-
 
1. Dhaambiyood qaadkiisu uu yahay 1MMC Dhararkiisu yahay 658M, Joogiisuna yahey 10M. 
 
2. Ballaadhin lagu sameeyey korontada siisa awooda ceelasha biyaha oo dhareerkeedu yahey 7 km.
 
3. Ceelasha sannadkii dhawaa la hirgaliyey oo loo sameeyey engine-nadii dabka dhalinaayey iyo solar sidoo kalena lballaqdin lagu sameeyey pipe Ka qaada biya oo dhererkeedu yahey 12 km si ay u caawiyaan Ceelashii hore.