Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu baxay deegaanada Xeebaha ee gobolada Awdal iyo Selel.
Madaxweyne ku-xigeenka waxa safarkiisa shaqo ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka JSL, Guddoomiyaha Gobolka Selel, Taliye ku-xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska JSL, Abaandulaha Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha qaybta booliska gobolka Selel.
Safarka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ujeeddadiisu waxa ay daaran tahay xidhitaanka nabad waarta oo dhex marta beelaha walaalaha ah ee ay shaqaaqadu ku dhex martay deegaannadaasi.
Sidoo kale, weftiga u Madaxweyne ku-xigeenka JSL hogaaminayey ayaa soo kormeeray sida ay u hirgashay amarkii Xukumadda ee ahaa in la arki karin qof qori sita, isaga oo amarkaasi noqday mid fulay.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane .Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kulan saacado qaatay oo lagaga wada hadlayay nabadda la yeeshay Odayaasha iyo Wax-garadka Degaanka Geerisa.
Intii uu socday kulanku ayaa waxa diiradda lagu saaray sidii beesha degaankaasi ay nabadda ugala shaqayn lahaayeen Xukuumadda.
Odayaasha iyo Waxgaradka Degaanka Geerisa oo halkaasi ka hadlay ayaa balan qaaday in ay diyaar u yihiin in ay nabada qaataan, isla markaana ay Xukumadda kala shaqeeyaan dadaalada ay wado ee adkaynta nabadda iyo xasilloonida bulshada Gobollada Awdal iyo Selel.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Cabdale Maxamed Carab "Sandheere" oo kulankaasi ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay sidii loo soo afjari lahaa colaadda dhex martay beelaha walaalaha ah.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa Odayaasha iyo Wax-garadka Degaanka Geerisa uga mahad celiyey sidii ay u soo dhaweeyeen nabada Xukuumaddu wado, isaga oo ku boorriyey in ay hormuud ka noqdaan dedaallada nabadda, isla markaana ay ka shaqeeyaan xoojinta wadajirka, is-afgaradka iyo ilaalinta xasiloonida.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu si gaar ah ugu baaqay Wax-garadka, Cuqaasha iyo Odayaashu in ay qaataan doorka ay ku leeyihiin nabadaynta, maadaama ay yihiin laf-dhabarta bulshada isla markaana ay dhalin karaan xal nabadeed oo waara.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Odayaasha iyo Wax-garadka Degaanka Geerisa u xaqiijiyey in Xukumaddu ay dedaal weyn ku bixisay sidii loo joojin lahaa dhiiga daadanaya isla markaana beelaha walaalaha la dhex dhigo lahaa nabad, xasillooni iyo wada noolaanshaha waarta.