
Munaasibaddan oo lagu qabtay Hall-ka Xarunta Shaqaalaha Dawladda, ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenka Xisbiga Waddani, Gudoomiye ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Shaqaalaha Dawladda iyo Marti sharaf kale.
Xuska Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo Sannadkan hal-ku-dhig looga dhigay "Shaqaalahu waa Laf dhabarta Horumarka Dhismaha Qaranka", ayaa intii ay socotay Xafladdu, waxa si weyn loogu dheeraaday ahmiyadda ay maalintani u leedahayo guud ahaanba Shaqaalaha Qaranka.
Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa munaasibadda ka jeediyey hadal miisaan leh, waxna uu yidhi:
"Ugu horrayn, waxa aan idinku hambalyeynayaa Xuska Maalinta Shaqaalaha Aduunka, waxana aan idin leeyahay Sannadkan Sannadkiisa Ilaahay caafimaad qab ha inagu gaadhsiiyo.
Munaasibaddan maantu way ka duwan tahay maalmihi hore, oo dalkeennu Aqoonsi Caalamiya ayaynu helnay. Ka Xukuumad ahaan waxa aanu diyaar u nahay in aan Dhallinyarada shaqo abuur u samayno oo aan dhiirigelino cid walba oo hindise la timaada".
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr),
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
