Mudanayaal iyo Marwooyin;
Ka-midho-dhallinta hammiga iyo hiigsiga Qarankeenu waa mudnaanta koowaad ee Qarankeena sida Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Xukuumadan aan hogaankeeda hayo.
Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa xudun u ah 3 tiir oo kala ah:
 Tiirka koowaad: waa xaqiijinta iyo helitaanka xuquuqda aqoonsi ee kaga maqan Qarankeena dalalka caalamka.
 Tiirka Labaad: waxa uu diirada saarayaa mar walba in ay Siyaasadda Arrimaha Dibeddu salka ku hayso danta Qaranka Somaliland, isla markaana ay kula noolaato daris-wanaag dalalka Geeska Africa iyo guud ahaanba adduunka.
 Tiirka Saddexaad: waa in is-kaashi dhaw dalalka darisku ka yeeshaan dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha, horumarka iyo is-dhex-galka.
 Laga soo bilaado sannadkii 2012-kii ilaa Bishii December 2023-kii, Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ku jireen wada-hadal uu nuxurkiisu ahaa sidii labada dal si nabad ah oo sharci ah u kala guran lahaayeen wixii ka dhaxeeyey, waxaana muddadaa dheer la soo galay 10 Kulan ama shir, balse dhammaan shirarkaasi waxa ay ku soo dhammaadeen fashil, waji-gabax iyo ballan-fur ka imanayey dhinaca Soomaaliya.
 Sidaa darteed, mar walba waxa qorshe innoo ahaa in ciddii danteenna iyo dantoodu is-waafaqaan aynu wax wada qabsanno.
 Qiimayn iyo qorshayn dheer kadib, waxa noo soo baxday in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay Somaliland la yeelato iskaashi buuxa oo ku dhisan sharciga caalamiga ah, taas oo waafaqsan Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland oo qeexaysa in Qarankeenu ku dhaqmo deris-wanaag, nabad-gelyo, iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhex-mara dalalka Caalamka oo dhan, gaar ahaanna dalalka deriska.
 Annaga oo ogsoon in Itoobiya tahay dalka aynu la leenahay xad-dhuleedka ugu dheer, waxa noo muuqatay in iskaashigu uu horseedi karo fursado cusub.
 Iskaashigaasi waxa uu keenayaa in Itoobiya u furto ganacsatada Somaliland suuqa Itoobiya oo tirada shacabkeedu maanta gaadhayo 129 Milyan oo qof, Itoobiyana ay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera wax kala soo degi karto, waxna ka dhoofsan karto.
 Dhaqaalaha Itoobiya waxa uu kordhaa 6% sannadkiiba. 15 Sanno ka dibna baahidooda dhaqaale wey kordhaysaa, waxaanay dadkoodu gaadhi karaan 240 Milyan oo u baahan adeeg dekadeed.
Sidaa darteed, annaga oo ka duulayna siyaasaddaa qeexan ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa sida aad la wada socotaan, 1-dii Bishii January 2024 Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya heshiis hor-dhac ah oo Is-af-garad (Memorandum of Understanding) ku dhex-maray magaalada Addis Ababa. Is-af-garadkaa waxa saxeexay aniga iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya.
Heshiiska Is-af-garad (MOU) ee Is-kaashiga iyo Wax-wada-qabsiga ee u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya nuxurkiisu waa laba Qodob:
 1) Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya waxa ay u aqoonsanaysaa Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan, waxaanay ku taageeri doontaa ictiraaf raadinta Somaliland. Isla markaana Somaliland waxa ay ka KIRAYNAYSAA Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya dhul ay ka dhigato Saldhigga Ciidanka Badda ee Itoobiya.
 2) Itoobiya oo hadda isticmaasha DEKEDDA CAALAMIGA AH EE BERBERA, waxa ay noqonaysaa marka heshiiska rasmiga ah la saxeexo macmiilka ugu weyn ee isticmaala Dekedda Berbera. Waxa ay sidoo kale labada wadan iska kaashan doonaan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha sida: Jidka Ganacsiga ee Berbera Corridor, Dhismaha Jid Tareen ah oo isku xidha labada dal oo qayb ka noqon doona jidka ganacsi ee Berbera Corridor.
 Waxa kale oo labada Jamhuuriyaddood ee Somaliland iyo Itoobiya iskaashi buuxa ka yeelan doonaan Difaaca iyo adkaynta Amniga labada dal, horumarinta waxbarashada, caafimaadka, wax-soo-saarka iyo helitaanka koronto jaban.
Mudanayaal iyo Marwooyin
Dad badan ayaa is waydiiya maxaa loo dhamayn la’yahay heeshiiska?
Marka la galayo heshiis noocan oo kale ah, waxa uu u baahan yahay ka fiirsi badan iyo in lagu dhiso sharciga caalamiga ah. Sidaa darteed, heshiiskan hor-dhaca ah waxa loo rogayaa heshiis rasmi ah oo weyn, heshiiskaa rasmiga ahina waa in uu xambaarsanaadaa dhammaan danaha Qarankeena oo tafa-tiran.
Waxa hadda geba-gabo ah diyaarinta heshiiskii rasmiga ahaa ee labada dal geli lahaayeen, waxaanu hirgalayaa marka Labada Gole ee Jamhuuriyadda Somaliland ansixiyaan Insha Alla, dhawaan baanay arrintaasi dhacaysaa.
Walaalayaal,
Sida aad la socotaan, Xasan Sheekh waxaa ka soo yeedhay qaylo dheer oo uu leeyahay dhallinyarta ku hadasha Af-Soamaaliga ayaa ka cadhoon doonta dhulka la siiyay Itoobiya, waa siduu u dhigay hadalkee. Taasi waxa ay wax-yeelo ku keenaysaa amniga Mandaqadda Geeska Afrika oo dhallinyarta ayaa Al-shabaab ku biiri doonta.
Xasan Sheekh waxaa uu eryay Safiirkii Itoobiya ee joogay Muqdisho, waxaanu ku dhawaaqay dagaal lala galo Itoobiya.
Beesha caalamka kuwa ugu tunka wayn leh waxa ay wax lala yaabo ku noqotay in nabad-gelyada Soomaaliya ee Xasan Sheekh sheegto ay gacanta ku hayso Itoobiya. Gobollada Hiiraan, Bakool, Baay, Gado iyo Jubbada Hoose intaaba waxa amnigooda gacanta ku haya ciidammada Itoobiya, oo ku dhow 10 kun oo Askari.
Beesha caalamku iyada oo cabsi ka qabta in Al-shabaab qabsato Muqdisho ayey ku qasbeen Xasan in ciidammada Itoobiya joogaan gobollada ay amnigooda sugaan.
Xasan Sheekh warka uu tabinayaa waa been, ma jiro dhul Soomaaliyeed oo ay Itoobiya xoog ku qaadatay, ama cidi siisay.
Markuu ka hadlaayay Al-Jazeera, wuxuu yidhi “Ma diidani in ay Itoobiya dhul kiraysato, laakiin waa in ay aniga i soo maraan oo ay i waydiistaan”. Waxaa is waydiin leh dhulka uu xukumo Xasan ee uu ka bixin karo Saldhig Ciidanka Badda ahi waa kee?
Somaliland 33 sanno ayey ahayd dal xor ah, Dawlad madax-bannaan oo dalkeeda dhisanaysa, horena u gashay heshiisyo badan oo caalami ah, sida; Heshiiska Shirkadda Caalamiga ah ee DP World ee Dalka Imaaraadka Carabta. Heshiinkan maanta taagan ee Itoobiyana kama duwana heshiisyadaas ay Somaliland hore u gashay, waliba kani waa kiro, maaha maalgashi.
Heshiiskan waxa aad u taageersan Shacabka Somaliland, waanu dhaqan-galayaa marka la horkeeno Golaha Baarlamaanka ee uu ansixiyo.
Xasan waa naftii hafar, ku doodaya awood aanu lahayn. Waa gorayadii madaxa ciidda galisa markay dhibaato aragto. Wuxuu moogan yahay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ee jaamacadaha Itoobiya ka soo baxday ay ka badan yihiin kumannaan qof.
Maanta dadka mutacalimiinta ah ee Somaliland iyo Soomaaliyaba ku sugan ee da’doodu afartanka tahay amba ka yar tahay, colaad uma qabaan Itoobiya, umana arkaan cadow. Haddii tiradaa lagu daro Soomaalida Itoobiya dagta, ma jiro cid ka dhagaysanaysa caroogga colaadeed ee uu afuufayo, waana ku isaga iyo kooxdiisa u gaarka ah.
Beesha Caalamku waa inay xaqiiqda ku dhaqantaa oo aanay ku dhaga-barjoobin tororogta waydda ah iyo tanaga madhan ee uu tumayo nin tiisa gabay. Waxaana hubaala inuu heshiskaasi dhammaystirmi doono dhawaan.