
Dhinaca kale, Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka iyo Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
Uga horrayn, Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran uga mahad naqay la kulankooda, isaga oo sheegay in kulankani uu ka mid yahay kulamadii wada-tashiga-Qaran ee uu M/weynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu yeedhi jiray Hoggaanka iyo Madaxda Sare ee Saddexda Xisbi Qaran.
Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Xisbiyada Qaranka uga xog warramay xaaladaha guud ee amniga dalka, dedaallada Xukuumadda ee nabadaynta Ceerigaabo oo uu Madaxweynuhu sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaadhay.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranka uga xog-warramay arrimaha Ictiraaf Raadinta, hab-sami-u-socodka Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo tallaabooyinka ay Xukuumaddu qaaday si wax looga qabto caqabadaha ka dhashay waxa loogu yeedho e-Visa iyo Maamulka Hawada Sare ee Somaliland, taasi oo uu Madaxweynuhu sheegay in ay Xukuumaddu guulo waaweyn ka soo hoysay.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii ay dalka Jamhuuriyadda Somaliland uga dhici lahaayeen Doorashooyin Daah-furan, xor ah oo ku qabsooma xilligii loo muddeeyey.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumadda ka go’an tahay gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan diyaarinta dhammaan kharashaadka Diwaangelinta iyo Doorashooyinka soo socda.
Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Qaranku waxa ay M/weynaha uga mahad naqeen kulanka wada-tashiga ah ee uu ugu yeedhay, iyaga ooaragtidooda ka dhiibtay, si mug lehna uga dooday arrimaha horyaalla Qaranka JSL ee khuseeya in Doorashooyinka Goleyaasha Qaranku ku qabsoomaan waqtigoodii, wixii farsamo ahna loo daayo Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Axsaabta Qaranka.
