
Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ku sifeeyey Oday ka baxay dalka iyo dadka door muhiimana ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee la soomaray, gaar ahaan halgankii SNM oo uu ka mid ahaa ragii bilaabay halganka, sidoo kalena waxa uu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, ahaana xildhibaan ka tirsanaa Golihii Wakiillada ee Golahan hada jooga ay bedeleen.
Waxa uu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qaranka, Eheladii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqu ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.