Hargaysa(26/9/2023)Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL ayaan maanta soo gabo gabaysay kulanka wada tashiga Xeer-nidaamiyayaasha, Hagayaasha , Habraacyada iyo Halbeegyada Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose ee shan degmo ( Hargaysa , Burco, Borama, Berbera iyo Gabiley).
Kulankan maanta oo looga dooday laguna faaqiday Hagaha Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose sidoo kalena lagu soo bandhigay System-ka Online ah ee Adeegyada Dawladaha Hoose ku bixin doonaan .
Kulankan maanta waxa la isla qaatay in la dhaqangaliyo xeer-nidaamiyaha Adeegyada iyo Lacag Qabashada Elektrooniga ee Dawladaha Hoose,Hagaha Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose,Habraaca Midaynta iyo Casriyaynta Adeegyada Dawladaha Hoose iyo Hanaanka Cabashada Dadwaynaha ee Dagelka iyo Mareegaha Dawladaha Hoose.
Sidoo kalena waxa la isla qaatay in System-ka Adeegyada Dawladaha Hoose ee Online Services-ka ah tijaabadiisa hore loo soo gabo gabeeyo si bulsahda loogu dhaweeyo adeegyadaasi.
Gabo Gabadii kulanka waxa soo xidhay La-Taliyaha Madaxwayne ku xigeenka Mudane Sakariye Daahir Cige iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolojiyada JSL Mudane Yuusuf Warsame Xasan.