Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo shacabka kala qaybgalay tukashada salaadda ciidal Adxaha.
Hargeysa-16-06-2024-()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda ciiddal Adxaha.
Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium shacabka kula tukaday salaadda ciidda, waxana uu bulshada u jeediyey khudbad salka ku haysa sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirkooda, una ilaashan lahaayeen amniga guud ee Qaranka.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sidoo kale guud ahaan shucuubta islaamka, gaar Ahaana shacabka Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidda, waxana u rajeeyey farxad waarta.