
Munaasibaddan taariikhiga ah ayaa ahayd xuskii ugu horreeyey ee 18-ka May ee loo dabbaal-deggayo,iyadoo Somaliland tahay dawlad si rasmi ah loo aqoonsan yahay, arrintaas oo shacabka Somaliland u horseedday farxad, sharaf iyo kalsooni qaran,waxaana ka soo qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, shir-guddoonka goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare, xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka saddexda xisbi qaran, Xildhibaanno, wefti sare oo ka socday Dawlada israaiil ,Safiirrada dalalka Itoobiya, Imaaraadka Carabta, iyo Taiwan u fadhiya Somaliland, wufuud caalami ah oo ka socotay dalalka Somaliland saaxiibka la ah, haldoor kala duwan oo bulshada qaybaheeda ah, aqoonyahan, haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Xildhibaan Gavin Williamson ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu yahay go’aan sax ah oo ku saleysan aragti siyaasadeed,isagoo xusay in Somaliland ay mudan tahay in si caalami ah loo tixgeliyo, lana taageero xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed,waxaanu dhammaantood boggaadiyey horumarka, dimuqraadiyadda iyo doorka ay Somaliland kaga jirto mandaqadda Geeska Afrika.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyeyaasha Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada ayaa madasha ka hadlay, waxayna si wadajir ah u bogaadiyeen dadaallada Madaxweynaha iyo Xukuumadda ee ku aaddan aqoonsiga, nabadda iyo horumarinta dalka iyo dadka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, oo hadal ka jeediyey munaasabadda xuska 18-ka May, ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay halgankii iyo go’aankii shacabka Somaliland dib ugula soo noqdeen madax-bannaanidooda. Waxa uu sidoo kale xusay in shacabka Somaliland ay ku guulaysteen nabad, dimuqraadiyad iyo horumarka ay ku faanaan.
Ugu Dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda, ayaa sheegay in 18-ka May ay tahay maalin astaan u ah gobannimo, midnimo, horumar iyo rabitaanka shacabka Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in uu maanta khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil, kaas oo ka codsaday in hambalyada munaasabadda 18-ka May uu shacabka reer Somaliland gaadhsiiyo.
