Madaxweyne-ku-xigeenka JSL oo shirguddoomiyey kulan ay yeesheen guddida heer qaran ee Gurmadka Abaaruhu

Madaxweyne-ku-xigeenka  Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta abaaraha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shir-guddoomiyey kulan ballaadhan oo ay maanta yeesheen xubnaha guddigga gurmadka abaaruhu.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada, ayey xubnaha guddigu kaga wada hadleen xaaladda abaarta dalka ka jirta ee soo cusboonaatay, waxana lagu naaqishay baahida loo qabo sidii gurmad qaran oo xukuumad iyo shacabba laga wada qayb qaato loo gaadhsiin lahaa deegaannada ay abaartu taabatay.

Gebogebadii fadhiga, waxa la go’aamiyey in la dardargeliyo hawlaha gurmadka iyo taakulaynta ah ee ay guddidu qaranka u qaabilsan tahay, loona diyaar garoobo xaaladda abaarta ee haatan taagan.

Wa-bilaahi Tawfiiq